BELGRADE Date: 2 September 2026. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Belgrade ee dalka Serbia, ka dib markii uu si guul leh uga qeybgalay Shirka 65 Isbahaysiga siyaasadda Dowladdaha dhaxdhaxaadka iyo Dalalka ku bahoobay Non-Aligned Movement (NAM).
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Marko Đurić, ayaa Garoonka Diyaaradaha Nikola Tesla ee Belgrade ku sii sagootiyay Madaxweynaha, isagoo u rajeeyay safar nabad ah.

