BELGRADE: September 15, 2026. Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Belgrade xarunta Jamhuuriyadda Serbia, ayaa maanta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade ku qaabilay dhiggiisa Danjire Moncef Mansri, Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabiga Aljeeriya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia, oo booqasho sharafeed ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya.
Labada Danjire waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee walaaltinimo ee labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, iyo arrimo kale oo la xiriira danaha u dhaxeeya labada dal. 


Dhanka kale, labada Safiir ayaa isla gartay in ay yeeshaan xiriir ku dhisan danaha guud iyo wada-shaqeyn dhaw oo ka yeelan doonaan arimaha iskaashiga gobolka Balkan-ka ee Yurubta beri.
Dhamaad.
BELGRADE Serbia. 




