BELGRADE June 28, 2026: Maanta, Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade Seriba waxaa sharaf u ahayd inay soo dhaweyso Mudane Dr. Edin Đerlek, Gudoomiye Ku-xigeenka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Serbia, oo booqasho ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya. Gudoomiyaha waxaa gacmo furan kusoo dhaweeyay Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed. Kulanku wuxuu ku qabsoomay jawi diirran oo saaxiibtinimo leh, iyadoo labada dhinac ay dib u xaqiijiyeen saaxiibtinimada soo jireenka ah ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Serbia, isla markaana ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga baarlamaanada labada dal iyo sidii loo taaba-gelin lahaa guddiyadda saaxiibtinimada ee labadda Baarlamaan. Waxay sidoo kale is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan arrimo ay labada dal danaynayaan, iyagoo mar kale caddeeyey sida ay uga go'an tahay xoojinta iskaashiga si ay uga faa'iideystaan labada dal iyo labada shacab. Danjire Maxamed Cabdullaahi wuxuu u muujiyay mahadnaq iyo qadarin buuxda Mudane Edin Đerlek booqashadiisa qiimaha leh ee xarunta Safaaradda, isagoo u rajaynayay in iskaashiga iyo saaxiibtinimada labada dal uu noqdo mid waara. Wabillaahi Towfiiq