Skip to main content

Embassy of the Federal Republic of Somalia in Belgrade-Serbia.

Madaxweyne JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Serbia oo Ka Wadahadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

BELGRADE Date 1 September 2026, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan laba-geesood ah oo barbar socday Shir-madaxeedka 65-aad ee Dalalka Isbahaysiga siyaasadda dhaxdhaxaadka ee Non-Aligned Movement (NAM) ee magaalada Belgrade kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Aleksandar Vučić.
Labada Madaxweyne ayaa diiradda saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Serbia, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo ganacsiga.
Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyagoo muujiyey rabitaanka labada dhinac ee horumarinta xiriir istiraatiiji ah oo ku saleysan danaha labada dal iyo shacabkooda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *