BELGRADE Date 1 Sebtembar 2026 Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Abdi Ali, ayaa magaalada Belgrade kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Marko Đurić.
Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo ballaarinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Serbia, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, ganacsiga iyo danaha wadajirka ah.
Wasiirka waxaa kulanka ku wehelinayay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Maxamed Cabdullaahi.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay in la sii xoojiyo wada-hadallada siyaasadeed iyo wadatashiyada joogtada ah ee ku saabsan arrimaha iyo danaha ay wadaagaan labada dal.



