Skip to main content

Embassy of the Federal Republic of Somalia in Belgrade-Serbia.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Belgrade uga qeybgalaya Shirka Heerka Sare ee NAM

BELGRADE: Date 31 Agoosto 2026 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta soo gaaray magaalada Belgrade ee Jamhuuriyadda Serbia, halkaas oo uu kaga qeyb-geli doono Shirka Heerka Sare ee Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Lahayn (Non-Aligned Movement NAM), kaas oo ka dhacaya Belgrade 1 ilaa 2 Sebtembar 2026.
Wasiirka ayaa lagu soo dhaweeyay VIP Salon-ka Garoonka Diyaaradaha Nikola Tesla ee Belgrade, waxaana soo dhaweeyay Danjire Nevena Jovanović, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Serbia.
Ka-qaybgalka Soomaaliya ee shirkan wuxuu muujinayaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, nabadda, xasilloonida iyo ixtiraamka madaxbannaanida dalalka, iyadoo sidoo kale fursad muhiim ah u ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Serbia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *