November 28, 2024 BELGRADE SERBIA:
Wasiirka Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya General Abdullahi Sheikh Ismail – Fartaag oo booqasho shaqo ku Belgrade Serbia ayaa maanta tababar u soo xiray in ka badan sodon sargaal oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Saraakiishan oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa nasiib u helay in ay si sax ah uga faa’iodeystaan Tababarkan xirfadeed oo Dowladda Serbia ugu deeqaday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Fursadani waxay muujineysa horumar la taaban karo ee ay hiigsanayaan Booliska Soomaaliyeed, taasoo u sahlaysa saraakiisha da’da yar ee Gabdhaha iyo Wiilashaba leh inay kor u qaadaan xirfaddooda aqooneed ee ka hortaga dhibaatooyinka, dambiyadda abaabulan iyo ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta.

Wasiirka Amniga Gudaha General Fartaag ayaa mahad balaaran u celiyay door wanaagsan ee ay qaateen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Diblomaasiyiinta ka howl-gala Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Belgrade Serbia, oo uu ugu horeyeen Danjiraha.
Leave a Reply