Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee Belgrade Serbia waxaa sharfay u ah qaban-qaabinta iyo fududaynta kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Bosnia Herzegovina Madaxweyne Željka Cvijanović oo dhacay inta ay socotay Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya 2025. Labada Madaxweyne ayaa wadahadlay, arrimaha Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka Dhaxaysa ee socda, isbeddellada muhiimka ah ee gobolka geeska afrika iyo gobalka barigga Yurub, waxaa kaloo laga wada-hadlay horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal waa Somalia iyo Bosnia Herzegovina.



