Embassy of the Federal Republic of Somalia in Belgrade-Serbia.

Hambalyo Maalinta Xoriyadda iyo Midnimadda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1-da Luulyo

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade, Serbia, waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibadda, munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo oo ah maalinta xornimadda shacbiga Soomaaliya taas oo horseedday dhismaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed sanadkii 1960-kii.

1-da Luulyo waa maalin xusuus qaran leh oo aynu dib ugu milicsanno halgankii naf-hurnimo ee ay sameeyeen halyeyadii Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah loo xusaa doorkii ay ka qaateen dhallinyarada, culimada, haweenka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee guushaas taariikhiga ah na gaarsiiyay.

Dhamaan howl-wadeenadda Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade waxay shacabka Soomaaliyeed u rajeyneysaa horumar, midnimo iyo barwaaqo.

Hambalyo Maalinta Qaranka! 🇸🇴

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *