Embassy of the Federal Republic of Somalia in Belgrade-Serbia.

shirka joogtada ah ee Danjireyaasha Dowladdaha ku bahoobaya Jaamacadda Carabta

Belgrade 06, June, 2025 Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed ayaa ka qeyb galay shirka joogtada ah ee Danjireyaasha Dowladdaha ku bahoobaya Jaamacadda Carabta ee ka howl-gala xarunta Caasimadda Belgrade ee Jamhuuriyadda Serbia.
Shirkan joogtadda ah ayaa waxaa looga hadlaa Umuuraha jira iyo xaaladda xiligaas taagan ee dunidda, gaar ahaa golabadda Baltic iyo Balkan ee Qaaradda Yurub.
Kulanka maanta ay Danjireyaashu yeesheen ayaa looga dooday natiijadii ka soo baxday shirkii diyaarinta Carwadda Caalamiga ah ee Expo2027 iyo qabanqaabadda kooxda IPM ee socday labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Bandhiga Carwada soo socta ee Expo2027, iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga ah ee ka dhaxeeya wadamada Jaamacadda Carabta iyo Serbia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *