December 04, 2024 BELGRADE SERBIA:
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Yuusuf Cali Maxamed oo shaqo ku jooga Belgrade, ayaa ka qeyb gelay shirka sanadlaha ah ee Serbia-Africa Integrity. Isagoo kulamo guud mid gaar ahna la yeeshay Madaxda Amniga Dowladda Serbia iyo kasoo qeyb-galayaasha shir-weynaha la magac-baxay Sharafta Serbia iyo Africa.
Shirkan oo sanadkiiba mar la qabo ayaa waxaa lasoo qeyb-galay 51 dal oo dalalka Africa ah. Shirka waxaa lagu xoojiyaa xiriirka Serbia iyo Qaarada oo dhisan in ka badan 100 sano.
Fursada ayaa ah mid looga leh faa’iidooyin fara-badan oo ay saldhig looga dhigay xoojinta xiriirka Qaarada iyo dalalka Yurubta Bari oo ay Belgrade xarunta dhaxe u tahay, waxaana lagu casuumaa Madaxda Hey’addaha Amniga ee Qaarada Africa.
Soomaaliya waxaa ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dr. Yuusuf Cali iyo la-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha ayaa mahad balaaran u celiyay Dowladda Serbia marti-gelinta wanaagsan ee ay qaateen Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya.
Agaasime Dr. Yuusuf ayaa hambaliyeeyay Safaaradda iyo Diblomaasiyiinta ka howl-gala intuba, sida hagar la’aanta ah ee ay Qarankoodda ugu shaqeeyaan.